
Jaamacadda Qaran Ee Soomaaliya waxay kamid tahay Jaamacaddaha Qaranka Soomaaliya ee laga barto tacliinta-sare taasoo hormarinaysa aqoonta bulshada Soomaaliyeed Iyo Horumarka Aqoonta dalka Soomaaliya midaasoo ay ka faa-iideysan doonaan jiilal badan. Jaamacadda Qaranka Ee Soomaaliya waxaa aasaasay Dr. Badal Kaariye Iyo Prof. Xusseen Xassan taariikhda marka ay ahyad Jibril 1dii Janaayo, 2009.
Jaamacadda Qaran Ee Soomaaliya waa Jaamacadda lacag la'aan lagu dhigto, waxaana maalgeliya Dowladda Soomaaliya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Ee Soomaaliya ayaa waxuu xaq u leeyahay inuu soo doorto Madaxweynaha Jaamacadda Qaran Ee Soomaaliya. Madaxweynaha Jaamacadda Qaran Ee Soomaaliya waxuu soo dooran karraa Guddoomiyaha Guddiga Jaamcaddda Qaran Ee Soomaaliya.
Jaamacadda Qaran Ee Soomaaliya waxay ka kooban tahay Kulliyaddo, Machadyo Iyo Koleejooyin kuwaasoo laga barto culuunta kala duwan;
Jaamacadda Qaran Ee Soomaaliya waxay wax kugu baraysaa hannaanka cusub ee ku qaadashada casharada maaddiga khadka Internetka adigoo awood u leh in aad barato wixii aad doonayso iyo marka aad rabto.
Qofkasta ama Arday walba oo Soomaali ah kaasoo dhammeeyey waxbarashadda dugsiga sare ayaa ku soo biiri karra waliba anagoo imtixaanka ka qaadi doona ardaygaas raba inuu ku soo biiro Jaamacadda Qaran Ee Soomaaliya.
Jaamacadda Qaran Ee Soomaaliya waxay imtixaanka ku qaadaa si caadiga ah qolalka casharadda iyo waliba hannanka khadka internetka.
Anigoo ah Madaxweynaha Jaamacadda Qaran Ee Soomaaliya waxaa idin ku soo soo dhawaynayaa ardayda jecel inay sii wataan waxbarashadooda gacmo-furan iyo waxbarasho hufan oo ay kaa bixin doonto Dowladdaad!
Rajo Wacan,
Prof. Dr. Badal W. Kariye BA, BSIT, MA, MBA & PhD
Madaxweynah Jaamacadda Qaran Ee Soomaaliya