Ka akhriso
Dhammaan Wararka Dowladda Dalka Soomaaliya

UNIVERSITY OF QARAN
KU: Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Gudaha Dalka Iyo Dibaddaba
KU: Qaramada Midooway
KU: Midoowga Afrika
KU: Ururka Jaamacadda Carrabta
KU: IGAD
KU: Dhamaan Cidii Ay Qusayso Arrimaha Soomaaliya
Tix: 01jqs/uoqso/09 Tariikhda: 01/15/0
Mudanayaal Iyo Marwooyin,
UJEEDDO: BAAQ TALLO-WADAAG
Jamacadda Qaranka Soomaaliyeed (JQS) waxay Ummaadda Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay xaliyaan dhibaatooyinka siyaasaddeed ee ay waddamada shisheeye ka sii hurinayaa Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Ee Soomaaliya taasoo cadowgeed uu ku farxayo marka uu maqlo laba qabiilli ama koox beeleed isku dhac iyo is-dil ka sameeyey goobaha ay dadka ku dhibaan.
Jamacadda Qaranka Soomaaliyeed (JQS) waxay shaaca ka qaadaysaa in dalka Soomaaliya gudihiisa lagu doorto ayadoo aan mar dambe lagu soo dhisayn dowlad dhicisoowda dibadda dalka.
Insha Allah! Waxaan rajaynaynaa inay Ummadda Soomaaliyeed oo dhan ay hawlaha siyaasaddeed ku soo gunaanadi doonaan dalka gudihiisa ayadoo la adeegsanayo xeer iyo sharaftii dhaqan Soomaaliyeed ee lagu maamuusi jiray ku soo dabaalida nabada beelaha is-dagaala.
Jamacadda Qaranka Soomaaliyeed (JQS) waxay ka digaysaa in aan arrimaha siyaasaddeed lagu soo cellin hannaankii qabiilka iyo dagaal-oogayaasha kuwaasoo aanu ognahay sida ay u galeen Soomaaliya Iyo dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan gudaha dalka iyo Dibadda.
Jamacadda Qaranka Soomaaliyeed (JQS) waxay dowladda Itoobiya ka codsanaysaa inay siidaayaan Maxamed Cumar Xabeeb oo ay si sharci-darro ah ku hayaan markii uu ka diiday u hoggaansanaanta siyaasadda Itoobiya ee qusaysa Soomaaliya Iyo kala qayb qaybin.
Jamacadda Qaranka Soomaaliyeed (JQS) waxay kale oo ay ka codsanaysaa dowladda Itoobiya inay ka dayso gumaadka, argagixisada, burburinta, kufsiga iyo xadida hantida dhulalka qaranka Soomaaliyeed.
Jamacadda Qaranka Soomaaliyeed (JQS) waxay u mahadcelinaysaa dulqaadkii iyo karta ay iskaga dhiciyeen burcadda Soomaaliyeed ee beenta iyo lugooyada ay dowladda Itoobiya ku fashilantay u soo sheegay.
Soomaaliya waxaa qabsan waayey kuwa adiga iyo jinsigaaga ka xoog badan sida Ingiriiska, Talyaaniga, Boortaqiiska IWM marka waxaan umalaynayaa inay cashar kale oo taariikhi ah ay qaadatay dowladda Itoobiya oo iska indho-tirtay wixii ay UNISOM uga baxday Soomaaliya.
Jamacadda Qaranka Soomaaliyeed (JQS) waxay u sheegaysaa Ummadda Soomaaliyeed inay Itoobiya u timid aargudasho waayo ma ay soo gasheen Soomaaliya haddii uu nool yahay General Maxamed Faarax Caydiid!!!
Jamacadda Qaranka Soomaaliyeed (JQS) waxay si gaar ugu mahadcelinaysaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmed kasoo iska casilay xilkii markii uu ogaaday inay dowladdo shisheeye ah rabin inay Soomaaliya nabad-noqoto.
Jamacadda Qaranka Soomaaliyeed (JQS) waxay aragtaa inay nasiib-darro noqotay inuu raysal wasaare Nuur Xassan Xusseen oo waxba ka qaban waayey dhaqan gelida xukuumadiisa isla-markaasna qabad ku sheegayey madaxweynaha iscasilay inuu sii wado minjoxaabinta dalka iyo iyo dadka asagoo ku dhawaaqay inuu u sharaxan yahay jaggada madaxweynenimada balse ay u taallo hawshaas inay ka baarraandegaan Shacabka Soomaaliyeed!
Jamacadda Qaranka Soomaaliyeed (JQS) waxay caddaynaysaa in Shacabka Soomaaliyeed ay heshiis yihiin isla-markaasna ay ku qaban doonaan shirka dib-u heshiisiinta gudaha dalka Soomaaliya.
Jamacadda Qaranka Soomaaliyeed (JQS) waxay qiraysaa inay culimada Soomaaliyeed hadda iyo wixii ka dembeeya looga baahan yahay sidii loo xalin lahaa khilaafaadkooda inta aan loo gudbinta danta guud ee Qaranka Soomaaliyeed.
Insha Alla!
Waad Mahadsan Tihiin
Prof. Dr. Badal Kariye BA, BSIT, MA, MBA & PhD
Madaxweynaha Jaamacadda Qaranka Soomaaliyeed
P.O. Box 1020 Madina District Jid Ade
Email: prof.badal@policsci.universityofqaran.com
www.universityofqaran.com
11:48:39 PM Thursday, January 15, 2009 Jaamacadda Qaran waxay idinku bishaaraynaysaa waxbarasho hufan iyo waxqabad fiican ayadoo aad ku barran maaddooyin badan oo ay bixiyaan qaybaha kala duwan ee Jaamacadda Qaran (JQS)
11:48:39 PM Thursday, January 15, 2009 The University of Qaran pleeases you with definite education and excellent services by studying many subjects, which are currently offered in many departments of the University of Qaran (UOQ)
11:38:50 PM Thursday, January 15, 2009 Waxaan Ummadda Soomaaliyeed ogaysiinaynaa inay Ciidamada dalka Itoobiya ka baxeen caasimadda Soomaaliya isla-markaasna loo baahan yahay inay Shacabka Soomaaliyeed ka shaqeeyaan sidii nabadgelyo iyo amniga qaranka loo sugi lahaa.
Walaalayaal waxaan maanta haysanaa fursad qaali ah oo aanu ku dooran karno madaxweyne iyo golaha shacabka Soomaaliyeed ayadoo aynan nagu dhex jirin gacmo shisheeye ah. Soomaaliya ha noolaato!
12:14:48 AM waxaan mahad iska leh Ilaahay oo awood iisiiyey in aan dhammaystiro Khaamuska Af-sawaaxil iyo Af-soomali kaasoo noqon doona khaamuuskii ugu horeeyey ee lagu qoro Af-sawaaxil iyo Af-soomaali..
12:19:15 AM All praise is to Allah who made possible to complete this bilingual dictionary, which is written Somali-Swahili that has never been written beforw according to the history.